Maamulka Degmada Bardaale Oo Hey’adaha kala hadlay Caawinta Barakacayaasha.

0
9

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo weli dalka ka jiraan Xaalado adag oo ay wajahayaan Beeralay-Xoola dhaqatada iyo dadka Barakaca ku ah Magaalooyinka ayaa waxaa Degmada Bardaale Ee Gobalka Baay gaaray qaar kamid ah Hay’adaha Caalimiga ah ee ugu horeyso OCHA iyagoo u Kuur galaya Xaalada Guud ee Degmada iyo Barakacayaasha ah ee ku nool degmada si loo qiimeeyo Noloshooda.

Maamulka Degmada Bardaale oo la socdey Wafdiga ayaa dadka Barakacayaasha ka Xog wareystey baahiyaha ay qabaan si wax looga qabto Maadama ay hada jiraan Biyo Yari, Xaalado dhanka Caafimaadka iyo Cuni yari kadib la waayey Roobkii la sugayey.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa faah-faahineysa