Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaradda arimaha gudaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo masuuliyiin kale ayaa kormeerey xaafada Axmed ee Degmada Berdaale ee gobolka Baay oo aad u saameyey fatahaadaha Elnino.
Xaafada Ahmed gurey ee Degmada Berdaale ayaa tan iyo markii ay soo bilowden fatahaad noqatey xaafadii uga horeysey ee laga barakaco iyadoo aan walina bulshada ku soo labanin xaafada taasi keenatay burburka ka jira guriyaasha wadooyinka Dugsiyada Masaajidyada iyo goobo kale waxaana cabsi aad ah laga qabaa in xaafadaasi ay ka Dilacaan cuduro maadama ay goobaha biyaha fadhiyo yihiin kuwa aad u wasaqeysan.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa fah-faahineysa