Maamulka Deegaanka Hoosingow oo ka warbixiyay Xaaladda Guud ee deegaankaasi

0
212

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay maalmihii u danbeeyey Deegaanka Hoosingow ee Gobalka Jubbada Hoose kaasi oo saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah ee Ku nool Deegaankaasi.

Guddoomiyaha Deegaankaasi Hoosingow Cabdi Qaadir Cumar Shire oo aan wareysi la yeelanay ayaa faahfaahin naga siiyey saameynta ay ku yesheen dadka danyarta ah ee ku nool Deegaankaasi Roobabka ka da’ay Deegaanadaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shesgay in ay gaadhsiyeen qaar kamid ah dadka dan yarta ah ee ku nool Deegaankaasi Bacaha Roobka celiya iyo mara kaneecooyin kuwaasi oo ay iska soo uruuriyeen Ganacsatada Magaaladaasi.

Ugu Danbeentii Guddoomiyaha ayaa ugu baAqay Hay’adaha iyo cid kaste oo gacan ka geysan karta in Cawimaad lala soo gaadho Dadka tabaaleysan ee aan heysanin asaasiyaadka nolosha.

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa ka warramaya