Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sanadkan abaarta ka dhacday qaar kamid ah gobolada dalka ayaa noqotay mid saamayn wayn ku reebtay dadka xolo dhaqatada ah.
Dadka reer guuraaga ah ayaa xolaha ay dhaqan jireen gabi ahaanba abaartu baabi ‘isay, dadka qaar ayaa naftooda ula soo cararay magaaloyinka si ay baad iyo biyo uga helaan waxaana aad ugu adkaatay inay si fudud ula qabsadaan nolosha magaalooyiinka.
Hay’adaha samafalka ayaa dadaal dheeraad ah sameynaya sidii dadkan logu heli lahaa hoy qutul yawm iyo biyo.
Mid kamid ah hay’adaha fadhigoodu yahay magaalada dhoobley oo kaashanaysa Hay’adda UNCR waxay boqolaal qoys ah oo kamid ah qoysaska ku nool duledyada magaalada dhoobley ay u qaybisay bacaha roobka laga galo iyo bustayaasha dhaxanta laga huwado iyo waxyabo kale oo lamid ah.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa