Maamulka Deegaanka Dhoobley oo dib u dajin u sameeyay qoysas barakacayaal ah oo guryo la’aan ku heysay Dhoobley

0
323

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Abaartii dalka ka dhacday Waxa ay saamayn wayn u geesatay in badan oo bulshada somaliyeed kamid ah waxayna sababtay in dadkii xoolaleyda ah ay dhaafisay xoolihii ay dhaqanayeen.

Magalada dhoobley ee gobolka jubada hoose Waxaa ku sugan kumanaan qoys oo ay abaartu dhafisay xoolahoodii kuwaas oo hada ku sugan kaaamam u gaar ah.

Hadaba Mamulka magaalada dhobley ayaa dhawaan bixiyay dhul aaad u balladhan oo ay ugu talo galeen in ay dajiyaan barakacayasha.Xerada lagu magacabo qorax ayaa laga hirgaliyay labo boqol iyo konton guri kuwaasi oo logu talo galay in hoy looga dhigo in badan oo ku dayacan duleedyaa magalada dhoobley.

Hay’ada juba Foundation oo kaashanaysa maamulka magalada dhobley aya mashaariicdan ka hirgalisay magalada dhobley.Gudomiyaha Magalada dhobley Siyad maxamed Hassan ayaa xariga ka jaray labo boqol iyo konton guri oo ay dhistay juba foundation kuwas oo loogu tala galay inay hoy ka dhigtaan boqolal qoys oo ku dayacan hareeraha magalada dhobley.

Ugu Horeyn waxaa warbaahinta la hadlay gudomiyaha magalada dhobley Siyad maxamed Xassan Isagoo Ka hadlay baahida keentay in maanta degaanka laga hirgaliyo Guryo tiradooda intan ay laegtahay .

Dhanka kale waxaa isna dhinaciisa goobta ka hadlay madaxa mashaaricdan cabdi Casis Mursal deerow oo kasocday hay’ada juba foundation.

Ugu dambeYN waxaa iyagana dhankooda warbaahinta la hadlay qaar kamid ah bulshada danyarta ah ee guryaha loodhisay iyagoona u mahad celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay in guryo loo dhiso.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa