Maamulka deegaanka Dhoobley oo Carro buuxin ku sameeyey qaar kamid ah waddooyinka magaalada Dhoobley

0
292

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Maamulka Deegaanka Dhoobley ayaa Malmihii u Danbeeyey Ku hawlanaa Bilic Soo celinta Waddooyinka Magaalada iyagoo bilaabay in ay Buuxiyaan meelaha ay Biyuhu fadhiistaan maadamo la filayo Roobabkii dayrta, maamulka ayaa guud ahaan wadooyinka magaalada Dhoobley ka bilaabay  arornimadii hore ee saka caro buuxin lagu sameynayo guud ahaan wadooyinka hawashan  ayaa ah  mid ay fulinayeen maamulka deeganka qeybihiisa kala duwan.

Hadaba si aan waxbadan uga ogaano Qorshahan iyo sida uu waddooyinka uga socdo ayaa waxaan wareysi la yelanay Guddomiyaha deeganka Dhoobley Siyaad Maxamed Xasan ugu horeyn guddomiyaha ayaa shegay in ay shaqadani la mid tahay shaqada ay sida maalin laha ah u qabtaan, mar kastana ay u taaganyihiin sidii ay u hor marin lahaayeen jidadka magaalada.

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa ka warramaya