Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Barcelona ayaa ku cadaadinaya tababare Hansi Flick inuu si toos ah ugu lug yeesho doorashada kabtanka cusub ee kooxda, iyadoo isbeddel lagu wado inuu ka dhaco hoggaaminta kooxda Camp Nou.
Kabtanka haatan, Marc-André ter Stegen, ayaa la filayaa in laga qaado xilkaas, gaar ahaan kadib imaatinka goolhayaha cusub Joan García, iyadoo goolhayaha Jarmalka ah hadda loo arko mid aan muhiim u ahayn qorshaha cusub ee kooxda.
Marka la eego cidda bedeli doonta Ter Stegen oo noqon doonta hogaamiyaha qolka labiska, madaxda Barcelona waxay doonayaan in Flick uu qaato mas’uuliyadda go’aanka — si la mid ah sida uu u sameeyay Pep Guardiola markii uu si shaqsi ah u doortay Bernardo Silva inuu noqdo kabtanka Manchester City.
Sida uu qorayo Mundo Deportivo, waxaa jirta “aragti guud oo gudaha kooxda ah” oo taageersan in la beddelo habka kabtannimada loo doorto, iyadoo la doonayo in Flick uu si toos ah u farageliyo halkii la siin lahaa ciyaartoyda fursad ay doorasho ku sameeyaan.
Horey, Guardiola wuxuu u ogolaan jiray ciyaartoyda inay doortaan kabtankooda, laakiin markan wuxuu go’aan u qaatay si shaqsi ah — tilaabo ay Barcelona rabto in Flick uu kaga daydo.
Cadaadis ayaa hadda saaran Flick si uu u doorto kabtan cusub oo hoggaamin kara kooxda garoonka gudaha iyo bannaankiisa marka ay bilaabayaan wejiga cusub ee maamulka cusub.