Maamulka Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mikel Arteta Kadib Guuladaradii PSG.

0
3

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa gaartay go’aan ku saabsan mustaqbalka Mikel Arteta ee Emirates Stadium ka dib markii Gunners ay ka hartay Champions League.

Daily Mail, oo soo marta SPORTbible, ayaa ku warameysa in madaxda Gunners aysan ceyrin doonin Arteta inkastoo kooxdu ay xilli ciyaareed niyad jab leh ku jirto.

Kooxda Arsenal ayaa wareega Semi-final kaga hadhay Tartanka Champions League kadib guuldaro ay kala kulmeen PSG.

Natiijada kulanka ayaa la macno ah in Gunners ay xilli ciyaareedka ku dhamaysan doonto koob la’aan.

Arsenal ayaa horay u lumisay koobka horyaalka England Premier League oo ay ka qaaday Liverpool.

Daily Mail ayaa haatan warineysa in maamulka kooxda aysan qorsheyneynin inay ceyriyaan tababaraha reer Spain waqti dhow.