Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo lagu wado in bisha koowaad ee sanadka soo socdo ay dib u furmaan dugsiyada waddanka kenya ayaa waxaa digniin soo saaray wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalkaasi Prof.George Magoha.
Wasiirka ayaa maamulayaasha uga digay inay ardayda ka dalbadaan bixinta qarashaadka waxbarashada iyaga oo aan qiimeyn ku sameyn xaaladda dhaqaale ee waalidka.Waxaa uu amray in aan dugsiga laga eryin arday aan bixin lacagaha laga doonayo ilaa iyo inta waalidka laga siinaya muddo macquul ah.
Dhanka kale Prof. George Magoha ayaa sheegay inay ka baaran degayaan sidii loo kordhin lahaa dhaqaale la siiyo dugsiyada hoose dhexe ee wadanka.Xilli uu shalay ismaamulka Mombasa ka furay shirweynaha 17-aad ee ururka maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee KEPSHA ayuu wasiirku xaqiijiyay in toddobaadka soo socdo wasaaradda maaliyadda ay bixin doonto lacagahan.Wasiir Magoha ayaa maamulayaasha iskuulada u sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay wanaajinta waaxda tacliinta ee wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lagu dadaalaya sidii dhammaan dugsiyada ay u heli lahaayeen buugaag ku filan, miisaaniyad iyo kaabayaasha waxbarashada.
Sidoo kale wasiirka oo ku adkeystay inaan la joojin doonin dhaqangelinta manhajka waxbarashada ee CBC ayaa macallimiinta uga mahadceliyay dadaalka ay geliyeen in ardayda ay helaan casharrada in kastoo cudurka COVID-19 uu carqaladeeyay jadwal sanadeedkii dugsiyada.