Maalinta Xuquuqda Aadanaha oo maanta dunida laga xusayo

0
216

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sanadki 1948-kii ayey aheyd markii shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay isku raacay in 10-ka December ay tahay maalinta caalamiga ee dhowrista xuquuqda Aadanaha,iyadoo sanad walba aduunka si weyn looga xuso.

Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ah mid  bulshada looga wacyi gelinaayo  ilaaalinta  iyo dhowrista Xuquuqda Aadanha  iyo in la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah.

Maalintan waxaa si caadi ah loogu xusaa  shirar siyaasadeed oo heerkoodu sareeyo iyo munaasabado dhaqameed iyo bandhigyo ka hadlaya arrimaha xuquuqul insaanka.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan inooga diyaariyay