Maalinta Radiyaha aduunka oo dunida laga xusayo maanta.

0
260

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Raadiyaha Adduunka ayaa maanta oo kale loo dabaaldegaa sanad kasta.sandkaan 2022 waxaa uu kusoo beegmay sanad uu shaqo badan qabtay raadiyuhu maadaaba uu dinida uu ka dilaacay cudurka ‘Covid-19’, Raadiyahuna waxaa uu kaalin muuqta kaqaatay sidii ay dadku loo wacyi galin lahaa.

Idaacad walba ayaa loo baahan yahay in soo badhigto waxyaabihii ay dadka ubaahisay wixii ugu xiisaha badnaa waaxana inta badan sanadkaan lagu qaadanayaa sida ay kaalin fiican uga qaateen idaacaduhu horumarinta Caafimaadka iyo wabarashada intii lagu guda jiray waqtiga uu dalka ka jiray Cudurka faafay ‘Covid-19.

Wadamada uu ka dilaacay cudurkaan ‘Covid-19’,ayaa waxaa kamid wadankeena Soomaaliya waxana uu saameyn xoogan ku yeeshay waxbarashada,isku socodka dadka iyo Caafimaadka si arintaan hadaba wax looga qabto ayuu raadiyuhu uhowlgalay si ay dhalaan badan oo tagi waayay goobaha waxbarashada ay uheli lahaayeen Casharadooda, waxaa uu sidoo kale sanadkaan baahiyay raadiyuhu fariimo la xariira sidii ay dadka xanuunkaan isaga ilaalin lahaayeen maadaaba uu xoowli dunida ugu fidayay.

Maalinta Raadiyaha Adduunka waa maalin caalami ah waxaana la xuso 13 Febraayo sanad kasta. Maalinta waxaa go’aamisay UNESCO 3dii Nofeembar 2011 intii lagu jiray shirkii 36aad.

Sannad kasta Maalinta Raadiyaha Adduunka, khubarada ku xeel dheer arimaha warbaahinta ayaa si wada jir ah ugu soo biira si ay uga shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa bulshooyinka go’doonsan.

Maalinta Raadiyaha Adduunka waxay hubisaa in qof walba, iyadoo aan loo eegin nuuca ay tahay noloshiisu ay uu heli karo macluumaadka ku filan,dalka Soomaaliya waxaa ka jira maanta idaacado Bulsho kuwaas oo dadka ugu qabto adeegyada ay rabaan si lacag la,aan ah Waxaana jira qaabab badan oo lagu helo warar, Barnaamij iyo madadaalo. Waxaadna idaacad si lacag uga heleysaa gaarigaaga, makhaayada iyo goobo badan oo kale.

Ugu horeyn Qaar kamid ah dhagaystayaasha Radiyaha Sanguuni ayaan ka waraysanay Waxa ay sanadkan naga maqleen wixii ugu xiiso badnaa waxaa kale oo aan wax ka waydinay barnaamijta la xirira Waxbarashada, caafimadka, ganacsiga iyo dhalinyarada waxay ka barteen inta lagu gudo jiray Covid-19.

dhagaystayaasha ayaan sido kale wax ka waydiinay farimaha aan sidayno ee ku saabsan Covid-19 Waxa ay ka barteen.

Agaasimaha Idacada Sanguuni Xasan Maxmed Cabdullaahi ayaa inoo faahfaahiyay Idaacada Sanguuni waxa ay baahisay ee wacyigalin ama waxbarid ah inta lagu gudo jiray sandkan 2022.

Ugu dambayn gudomiyaha Deeganka Dhoobley Siyaad Maxamed Xasan ayaan ka waraysanay siday u arkaan ama ay inoo la socdeen waxa aan baahinay inta uu jiray cudurkan Covid-19.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegeysa