Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Carruurta Adduunka ayaa markii ugu horreysay la aasaasay 1954-kii iyada oo loo oqoon saday Maalinta Caalamiga ah ee Carruurtu sanad kasta 20 November si kor loogu qaado wadajirka caalamiga ah, ee wacyiga carruurta adduunka oo dhan, iyo horumarinta daryeelkooda.
20-ka Noofambar waa taariikh muhiim u ah carruuta maadaama ay ku beegan tahay 1959-kii markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Xuquuqda Carruurta. Sidoo kale waa maalintii 1989kii markii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu meel mariyey Axdiga Xuquuqda Carruurta.
Laga soo bilaabo 1990, Maalinta Carruurta Adduunka waxaa laxusaa sannad-guuradii ka soo wareegtay markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay labadaba Baaqa iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta.
Hooyooyinka iyo aabbayaasha, macallimiinta, kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo dhakhaatiirta, hoggaamiyeyaasha dawladda iyo dhaqdhaqaaqayaasha bulshada rayidka ah, odayaasha diinta iyo bulshada, maareeyaasha shirkadaha iyo xirfadlayaasha warbaahinta, iyo sidoo kale dhalinyarada iyo carruurta laftooda, waxay qayb muhiim ah ka qaadan karaan in kor loo qaado Maalinta Carruurta Adduunka.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku egeysa