Maalinta Caalamiga ah ee Caddaaladda Bulshada oo Maanta ku beegan.

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Caalamiga ah ee Caddaaladda Bulshada waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 26-kii Nofeembar 2007, iyadoo la doortay 20-ka Febraayo in lagu xuso sanad walba. 10-kii Juun 2008, Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) waxay si mideysan u ansixisay Baaqa Caddaaladda Bulshada ee loogu talagalay Caalamiyeynta Cadaaladda ku saleysan.

Sanadkii 1995, Shirweynaha Adduunka ee Horumarinta Bulshada ayaa ka dhacay magaalada Copenhagen, Denmark, halkaas oo in ka badan 100 hoggaamiye siyaasadeed ay ku ballan qaadeen la dagaallanka saboolnimada, xaqiijinta shaqo-abuurka buuxa, iyo dhisidda bulshooyin xasilloon oo nabdoon. Waxa kale oo ay isku raaceen in horumarka bulshada uu diiradda saaro danta iyo wanaagga dadka.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixintan ku eegaya