Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jamaahiirta kubadda cagta ayaa markale baraha bulshada ku falanqeynaya xiddig ay u arkaan midka ugu mudan abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan.
Waxa la filayaa inay tartamayaasha ugu xoogan noqon doonaan Lionel Messi iyo Erling Haaland, Leo ayaa kusoo guuleystay Koobka Aduunka iyo horyaalka La Liga halka Erling soo qaaday PL, CL iyo FA Cup.
Taageerayaasha qaar ayaa qaba inay tahay in khadka dhexe ee Man City iyo xulka Spain ee Rodri Hernandez ugu mudan yahay abaalmarintaas kaddib xilli ciyaareed taariikhi ah oo uu qaatay.
Rodrigo ayaa City saddexleyda koobabka ah kula soo guuleystay halka uu xalay Spain ku hoggaamiyay koobkoodii ugu horreeyay 11 sano kaddib iyagoo UEFA Nations League rigoorayaal kaga qaaday Croatia.
Rodri ayaa City usoo dhaliyay goolka guusha Finalkii Champions League, kulankaas iyo midkii xalayba waxa loo doortay abaalmarinta xiddiga kulanka waana sababta jamaahiir badani u qabaan inuu fursad u haysto Ballon d’Or.