Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si weyn u amaanay daafaca midig ee kooxdiisa ee Kyle Walker kaas oo uu ku sifeeyay mid aan la bedeli karin.
Doorka Walker ee Man City ayaa xilli ciyaareedkii hore ee ay saddexleyda koobabka ah kusoo guuleysteen yaraaday maadaama Pep ikhtiraacay nidaam cusub oo afar daafac dhexe oo uu midkood khadka dhexe galayo kusoo shirtagayay.
Walker ayaa 39 kulan usoo ciyaaray Sky Blues xilli ciyaareedkii tagay balse wuxuusan kusoo bilaaban Finalkii Champions League taas oo dhalisay in degdeg mustaqbalkiisa su’aal loo galiyay.
Guardiola oo wax laga weydiiyay 33 sano jirkaas oo qandaraaskiisu sanadka dambe dhacayo ayaa yidhi “Isagu waa ciyaartoy si aan caadi ahayn muhiim noogu ah. Isagu wuxuu leeyahay tayooyin cajiib ah oo ay adagtahay in laga helo dunida oo dhan, tayooyinkiisa khaaska ahi waa kuwo aan la bedeli karin”.
“Waanu doonaynaa isaga haa, ugu dambaynta ma garanayo waxa dhici doona. Waan ogahay inuu xidhiidh naga dhaxeeyo, labada kooxoodba waanu u dagaalami doonaa isaga waan hubaa Bayern way samayn doontaa, ma garanayo sida ay ku dhammaan doonto”.
Bayern iyo Man City ayaa kulan saaxiibtinimo ku ballansan magaalada Tokyo isla Arbacadan maanta ah, Guardiola oo la weydiiyay haddii uu Walker ciyaari doono ayaa sheegay inaysan jirin sabab u diidaysaa.