‘Ma Jecli Garnacho’ – Jamie Carragher Oo Dhaliil Culus U Jeediyay Xiddiga Cusub Ee Chelsea

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daaficii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa dhaleeceyn xoogan u jeediyay weeraryahanka cusub ee Chelsea, Alejandro Garnacho, kaasoo xagaagan kaga soo biiray Blues kooxda Manchester United, heshiis lagu sheegay inuu ku kacay £40 milyan.

Carragher ayaa si gaar ah uga carooday qaabka uu Garnacho u dhaqmay intii uu daawanayay guushii 2-0 ee Chelsea ka gaartay Fulham toddobaadkii hore, ka hor inta aan si rasmi ah loo xaqiijin saxiixiisa. Intii ciyaartu socotay ayaa la arkayay da’yarka reer Argentina oo mararka qaar telefoonkiisa gacanta ku mashquulsan, taas oo Carragher ka careysiisay.

“Anigu ma ihi taageere Garnacho,” ayuu Carragher ku yiri Chelsea FC Online.
“Ma ogtahay waxa aanan jeclayn? Waxaa jiray sawirro laga qaaday ciyaartii Fulham, isagoo telefoon ku mashquulsan xilli kubbadu socoto. Arrintaas aniga ma jecli. Kuma koobna isaga, dad badan ayay caado u tahay, laakiin anigu ma xamili karo.”

Garnacho, oo 21 jir ah, ayaa loo arkaa mid ka mid ah da’yarta ugu hibada badan ee soo baxaya, balse dhaliisha Carragher waxay kusoo beegmaysaa xilli taageerayaasha Chelsea ay si weyn ugu hanweyn yihiin saameynta uu ku yeelan doono kooxda tababare Enzo Maresca.