Luke Shaw Oo Sharraxay Sidii Ay Manchester United Ku Joojisay Erling Haaland.

0
115
LIVERPOOL, ENGLAND - OCTOBER 09: Luke Shaw of Manchester United in action during the Premier League match between Everton FC and Manchester United at Goodison Park on October 09, 2022 in Liverpool, England. (Photo by Michael Regan/Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Difaaca Manchester United ee Luke Shaw ayaa hoos u dhigay ammaanta loogu jeediyey sidii ay isaga iyo Raphael Varane u xakameeyeen weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland oo go’doon ku ahaa kulankii ay Manchester United 2-1 ku karbaashtay Man City.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa la hormartay goolka daqiiqaddii 57aad, balse United ayaa dhamaystirtay soo laabasho cajiib ah waxaana laba gool u kala  dhaliyey Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford.

Erling Haaland oo 27 gool u dhaaliyey Manchester City xilli ciyaareedkan ayaa kulanka ka baxay isaga oo 90 daqiiqadood ciyaaray balse aan wax gool ah dhalin, sidoo kalena waxa uu xataa ku fashilmay inuu hal mar toogto goolka Man United.

Shaw oo difaaca dhexe kula soo bilowday Raphael Varane ayaa ka sheekeeyey sidii ay ku joojiyeen Erling Haaland, waxaana uu yidhi: “Aad ayaanu u faraxsanahay, waxay ila tahay in aanu gaadhnay guul aanu u qalmaynay. Qaybtii hore fursado badan ayaanu khasaarinay laakiin maalinta xigta waanu ka faa’iidayn doonaa.

“Waxay noo ahayd ciyaar wanaagsan. Kaliya aniga iyo Raphael Ma aanaan joojin isaga (Haaland), laakiin koox ahaan ayaanu u ciyaarnay. Si fiican ayaanu isku difaacnay.
“Waxa ugu muhiimsan waa saddexda dhibcood ee aanu helnay, macno ma samaynayso ciyaartoyda aanu la dheelnay mar walbana hadafkayagu waa saddexda dhibcood  iyo in aanu sii wadno fanashada miiska. Maanta sidaa ayaanu samaynay, waananu ku faraxsanahay.”