Luis Suarez oo shaaca ka qaaday sababta uu u jecel yahay inuu wajaho Real Madrid

0
184

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Atletico Madrid uu hoggaaminayo tababaraha reer Argentina ee Diego Simeone ayaa waxay bilaabeen isku diyaarinta kulanka Madrid Derby ay ku wajahayaan Real Madrid Axada soo socota garoonka Alfredo Di Stefano, kaasoo ka tirsan kulammada isbuuca 26-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Atletico Madrid ayaa kulankan ku soo galaysa sidii ay u heli lahayd seddex dhibcood oo cusub oo u soo dhawaanaya hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyo inay ka sii fogaadaan farqiga u dhexeeya iyaga iyo Real Madrid.

Haddaba Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa ka hadlay ujeedka kooxda Atletico Madrid ee kulanka ay wajahayaan Real Madrid.

Luis Suarez ayaa kahory kulanka Madrid Derby wuxuu sheegay:

“Waan jeclahay inaan wajaho Real Madrid, kulammadan gaar ahaan qof walba wuxuu doonayaa inuu ka soo muuqdo tartamada noocan oo kale ah.”

“Waxaan guuldarreysanay kulankii lugta hore, sidaas darteed waxaan dooneynaa inaan soo laabano oo aan guuleysano Axada isla markaana aan sii wadno dagaalka.”