Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargayska “El Nacional” ayaa sheegay in tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique, isla markaana haatan hoggaamiya xulka qaranka Spain, uu haatan u sharaxan yahay in uu markale qabto shaqada tababaranimo ee Barca isaga oo badalaya Xavi Hernandez.
Xavi Hernandez la kulmay dhaleecayn aad u darran, sababa la xiriira heerka liita ay soo bandhigeen kooxda reer Catalonia hadda, inkasta oo uu si xoogan u xoojiyay suuqii xagaaga.
Barcelona ayaa la kulmeysa waqtiyo adag kaddib markii ay si dhab ah qarka ugu saran tahay inay gabi ahaanba ku harto wareega Group-yada ee tartanka Champions League, waxaana u sii dheer guuldaradii El Clasico oo ay kala kulmeen Real Madrid, iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed liita taas oo keentay in ay ku soo dhacaan kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka Spain.
Luis Enrique ayaa horray u soo maamulay kooxda Barcelona intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2017, xilligaasi oo u suuragashay in uu ku guulaysto koobka Champions League marka laga soo tago horyaalka Spain laba jeer, Spanish Super saddex jeer, UEFA Super Cup hal mar, iyo koobka kooxaha aduunka hal mar.
Wargayska ayaa tilmaamay in Luis Enrique uu noqon doono mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee ku guulaysan doona kursiga tababaranimo ee Barca hadii Xavi Hernandez uu ku guul daraysto in uu kooxda ka saaro xaalada adag ee ay haatan ku jirto.
Wargeyska ayaa tilmaamay in Enrique uusan sii ahaan doonin tababaraha qaranka Spain kaddib Koobka Adduunka, kaasoo bilaaban doona bisha November ee soo socota, waxaana la sheegay in kooxo badan ay xiiseynayaan.