Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Bayern Munich, Vincent Kompany, ayaa la sheegay inuu taleefan kala xiriiray garabka Liverpool ee Luis Díaz, kaasoo si cad u oggolaaday inuu u wareego kooxda Jarmalka, islamarkaana u sheegay Liverpool inuu doonayo inuu ka tago.
Bayern ayaa horey u dirtay dalab dhan €67.5 milyan (£58.6 milyan), balse Liverpool ayaa si degdeg ah u diiday, iyadoo ciyaaryahanka ku qiimeyneysa in ka badan €100 milyan, waxayna ku adkeysatay inuusan suuqa yaallin waqtigan.
Wararka ka imaanaya gudaha Bayern ayaa sheegaya in saraakiil sare oo kooxda ah ay taageersan yihiin heshiiskan, iyagoo u arka Díaz inuu yahay ciyaaryahan isla markiiba tayada kooxda kor u qaadi kara, ee aan ahayn maalgashi mustaqbalka fog.
Agaasimayaasha ciyaaraha Bayern ayaa haatan diyaarinaya dalab kale oo weyn, iyadoo la rumeysan yahay in kaliya dalab ka badan €80 milyan uu qancin karo Liverpool.
Wadahadallada labada kooxood ayaa weli socda, Bayern-na waxay rumeysan tahay in rabitaanka ciyaaryahanka iyo dalabkooda cusub ay keeni karaan in heshiisku hirgalo maalmaha soo socda.