Luis Diaz Oo Afka Furtay Kadib Markii Liverpool Diiday Dalabkii Barcelona Ku Doonaysay Saxiixiisa.

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga xulka qaranka Colombia Iyo kooxda Liverpool ee Luis Diaz ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Liverpool.

Xiddiga ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxda Barcelona kuwaas oo xitaa maanta wadahadalo la yeeshay Liverpool si ay u helaan saxiixiisa.

Liverpool ayaa isla markiiba diiday dalabka Barcelona iyaga oo u sheegay in xiddigu uuna iib ahayn suuqa xagaagan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Liverpool, si wanaagsan ayay iila dhaqmeen ilaa maalintii ugu horeysay”ayuu yidhi Diaz.

“Waxaan ka hadlaynaa kooxaha kale, waa suuqa kala iibsiga, waa wax caadi ah, haddii Liverpool ay cusbooneysiiso qandaraaskeyga, ama haddii ay tahay inaan sii joogo 2 sano ee ii dhiman, waan ku farxi doonaa, iyaga ayay ku xiran tahay”