Lubnaan oo sheegtay in dhammaan Bariga Dhexe uu khatar ugu jiro colaad.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Lubnaan Cabdallah Xabiib, ayaa golaha guud ee Qaramada Midoobay u sheegay, in dhammaan Bariga Dhexe uu khatar ugu jiro colaad, maadaama uu weli sii socdo dagaalka u dhexeya Israa’iil iyo kooxda Xisbullaah.

Cabdallah Xabiib ayaa sheegay in loo baahan yahay faragelin degdeg ah oo caalami ah.
Dhanka kale, wasaaradda difaaca ee maamulka Israa’iil ayaa sheegtay, in aysan joojin doonin bartilmaameedka kooxda Xisbullaah ee waddanka Lubnaan.

Xulafada ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay xabbad joojin ku meel gaar ah oo ka dhaqangasho Lubnaan, ka dib markii uu si xooggeystay dagaalka u dhexeya Israa’iil iyo Xisbullaah.

12 dal ayaa ku baaqay in 21 maalmood la joojiyo dagaalka, si loo gaaro heshiis islamarkaana ay xabad joojin ka dhaqangasho Lubnaan.