Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United iyo Bayern Munich ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan adeega xiddiga reer Holland Denzel Dumfries si ay ula soo saxiixdaan suuqa xagaaga.
Inter Milan wax dhib ah kuma qabi doonto bixitaanka Denzel Dumfries, Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee dalka England, inkastoo ay lumisay Ivan Perisic kaddib markii uu u dhaqaaqay Tottenham, waxay soo dhaweyn doontaa ka tagista xiddiga reer Holland, xitaa haddii ay sabab u noqoto inay sii haysato Alessandro Bastoni.
Manchester United ayaa doonaysa in ay xoojiso safkeeda inta lagu jiro suuqa xagaaga, si ay uga hesho heshiisyo waxtar leh oo lagu caawin karo, tababaraha cusub ee Eric Ten Hag shaqadiisa cusub.
Wargeyska Ingiriiska ayaa tilmaamay in sidoo kale Bayern Munich ay indhaha ku heyso suurtogalnimada ay kula soo saxiixaneyso xiddiga reer Holland iyo kooxda Inter Milan ee Denzel Dumfries.
26 jirkan reer Holland ayaa wuxuu ka ciyaari karaa daafaca midig ama khadka dhexe, waxaana uu u dhaqaaqay kooxda Inter Milan bishii Abriil 2021 isagoo ka yimid naadiga PSV Eindhoven.
Denzel Dumfries waxa uu Nerazzurri la ciyaaray 45 kulan tartamada oo dhan ah, isaga oo u dhaliyay 5 gool, wuxuuna sidoo kale asxaabtiisa ka caawiyay 7 gool kale.