Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Todobaadka soo socda ,waxaa dalka Ingiriiska ka dhacaya doorasho hogaamineed, si loo doorto qofkii bedeli lahaa Liz Truss ka dib markii ay ku dhawaaqday in ay iska casishay xilka r/wasaaraha dalkaasi.
Marka la eego kala qaybsanaanta xisbiga talada haya ee Conservative-ka, ma jiro musharrax muuqda, beddelkiina waxa uu wadanku wajihi doonaa suurtagalnimada inuu hoos u dhaco.
Magacaabista tartanka loo galayo cidda hoggaamineysa dalka,ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo galabnimada maalinta Isniinta ah ee soo socota, iyadoo rajada hoggaaminta ay u baahan tahay in la helo ugu yaraan 100 xildhibaan si ay u sameeyaan codeynta .
Xisbiga Konserfatifka ayaa hadda baarlamaanka ku leh 357 xildhibaan.
Liz Truss ayaa ah ra’iisul wasaarihii ugu mudada gaabnaa taariikhda Britain,waxayna xilka heysay 45 maalmood oo kaliya.