Lix qof oo ku dhintay isku dhac laga soo tabiyay dalka Hindiya.

0
6

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen dad isugu soo baxay macbad ku yaalla gobolka Goa ee galbeedka Hindiya halkaas oo ay isugu soo baxeen tobanaan kun oo qof oo Hinduus ah sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Dhacdadan ayaa dhacday habeenimadii xalay iyada oo kumannaan qof ay ku soo xoomeen waddooyin ciriiri ah kuwaas oo u socday macbadka Hinduuga ee tuulada Goa’s Shirgao, oo 40km (24 mayl) u jirta caasimadda gobolka Panaji.