Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wakaalada wararka ee Wafa ayaa sheegtay in lix qof oo gargaar ku sugayay meel u dhaw bartamaha Qaza ay ku dileen ciidamada Israel.
Tan ayaa imaanaysa iyadoo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Israa’iil ay toogasho ku dileen 12 qof oo gargaar doon ahaa xili ay ku sugnaayeen meel u dhow Waddada Netzarim, oo sidoo kale ku taal bartamaha Gaza.
Tan iyo markii GHF oo ay taageerayaan Maraykanka iyo Israa’iil ay la wareegeen cunto qaybin xaddidan dabayaaqadii May, ciidamada Israa’iil waxay si joogto ah rasaas ugu furaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan ama u dhow goobaha gargaarka laga bixiyo si ay u kala eryaan.
Ku dhawaad 1,400 oo qof ayaa lagu dilay toogashooyinkan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.