Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa war naxdin leh ka heshay Xabi Alonso ka dib markii ay liiska tababarayaasha diirada u saaran ka saartay Xabi Alonso iyagoo diirada saaraya macalimiin kale oo ay u arkaan bedelka Jurgen Klopp.
Alonso ayaa ahaa macalinka ugu cadcad inuu qabto shaqada Anfield tan iyo markii uu Klopp ku dhawaaqay bishii Janaayo inuu iska casili doono shaqada tababarenimo ee Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, wargeyska The Times ayaa qoray in Liverpool ay go’aansatay inay tababare kale raadsato iyadoo kooxda Reds ay aaminsan tahay in tababaraha reer Spain aan la heli karin xagaagan.
Waxay tani sarre u qaadeysaa fursada ay Liverpool ku heli karto midkood tababaraha Sporting Lisbon Ruben Amorim iyo tababaraha Brighton Roberto De Zerbi.
Alonso ayaa la sheegay sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Leverkusen xilli ciyaareed kale, isagoo ku biiray bishii Oktoobar 2022 markaasoo kooxda Jarmalka ay qarka u saarneyd inay u dhacdo heerka labaad.
Waxa uu bedelay Leverkusen isagoo ka dhigay koox aan laga badinin xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, halka ay 10 dhibcood hogaanka Bundesliga uga hayaan Bayern Munich.
Bayern ayaa sidoo kale xiiseyneysa Alonso, iyadoo kooxda Bavarian ay baadigoobeyso tababare u bedela Thomas Tuchel oo ka tagaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Bayern ayaa banaanka soo dhigtay xiisaheeda 42 jirkaan inkastoo madaxweyne sharafeedka kooxda Uli Hoeness uu soo jeediyay maanta inaysan macquul aheyn in Alonso laga soo qaato Leverkusen.