Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Liverpool.
Daqiiqadii 43-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Roberto Firmino, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Andrew Robertson.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
52 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Nathaniel Phillips oo caawin ka helay saaxiibkiis Sadio Mane ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.
Daqiiqadii 88-aad Alex Oxlade-Chamberlain oo caawin ka helay saaxiibkiis Andrew Robertson ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Liverpool kooxda Burnley oo ay ku booqatay garoonka Turf Moor, Reds ayaa waxay haatan soo fariisatay booska afaraad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League.
SAWIRRO: