Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa rikoor cusub ka dhigtay Premier League guushii ay ka gaareen Sheffield United xalay oo Khamiis aheyd.
Cadaadiska waxa uu saarnaa Liverpool ka dib markii Manchester City iyo Arsenal ay guulaysteen habeenkii Arbacada, laakiin kooxda Jurgen Klopp ayaa shaqo ka qabatay kooxdii madaxa adkeyd ee Sheffield United.
Goolal ay kala dhaliyeen Darwin Nunez, Alexis Mac Allister iyo Cody Gakpo ayaa Liverpool ka caawiyay in ay ku badiyaan 3-1 taas oo keentay in ay dib ugu soo laabtaan hogaanka horyaalka premier League.
Inkasto Sheffield United ay mararka qaar dhibaato u abuureysay Liverpool, hadana kooxda Klopp ayaa ciyaarta heysatay.
Liverpool waxay heshay sagaal darbo oo goolka ku bartilmaameedsan iyagoo wadar ahaan helay 29 darbo, waxay dhameystireen 708 baasas halka Sheffield United ay dhameystirtay kaliya 80 baas.
Si kastaba, waa xogta kubad heysashada halka ay rikoodhka cusub ee Premier League ku dhigeen Liverpool.
Liverpool ayaa ku riyaaqay kubad heysasho gaarto 83.1 boqolkiiba, taasoo rikoodh cusub u ah horyaalka Premier League.
Rikoodhkii hore waxaa sidoo kale dhigtay Liverpool ku dhawaad labo sannadood ka hor markii ay kubada heysteen boqolkiiba 83 kulankii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Everton bishii April 2020kii.
Manchester City ayaa sidoo kale rikoodhkii ka sii horeeyay dhigtay iyagoo iyana loo diiwaangeliyay kubad heysasho boqolkiiba 83 ah markii ay 5-0 ku xasuuqeen Swansea City bishii April 2018kii.