Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul-darro xanuun kulul ay ku habsatay, waxaana ka aargoosatay naadigii ay horraantii xilli ciyaareedka 9-0 ku xasuuqeen ee Bournemouth oo markeeda saddexda dhibcood kaga qaadatay 1-0.
Jurgen Klopp oo kaydka dhigay Jordan Henderson ayaa ka qoomameeyey go’aankiisa iyadoo khadka dhexe ee uu keentay Bajcetic uu noqday mid burbursan oo xammili waayey dardarta iyo orodka ciyaartoyda Bournemouth.
Liverpool ayaa dhalisay gool qaybtii hore la timid gool offside ahaa oo laba ka mid ah ciyaartoydeedu ay ka dambeeyeen difaaca Bournemouth, hase yeeshee Andy Robertson ayaa isaguna u dhowaaday inuu shabaqa soo taabto ka hor intii aanu Gakpo dhalinin goolka la diiday.
Cody Gakpo ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ciyaarta waxa uu darbad xooggan ku toogtay goolka, waanu dul-mariyey balse haddii uu soo hormarin lahaa waxa meel bannaan joogay Firmino iyo Jota oo madax la heli lahaa.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay ku jirto kaalinteedii shanaad oo ay haysato 43 dhibcood, halka Tottenham oo afraad ku jirtaana ay leedahay 45 dhibcood.