Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.
Daqiiqadii 3-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaa 0-1 ka dhigay Takumi Minamino, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane.
Daqiiqadii 36–aad Sadio Mane ayaa dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Liverpool, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Roberto Firmino.
Daqiiqadii 44-aad ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Roberto Firmino, xilli uu caawinta goolkan lahaa Andrew Robertson.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 58-aad Jordan Henderson ayaa u sii dheereeyay hoggaanka naadiga Liverpool wuxuuna ka dhigay 0-4, xilli uu goolkan ka caawiyay Trent Alexander-Arnold.
Daqiiqadii 68-aad Roberto Firmino ayaad dheesha ka dhigay 0-5 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Liverpool, Mohamed Salah ayaana lahaa caawinta goolkan.
81 daqiiqo Mohamed Salah oo badel ku soo galay dheesha ayaa dhaliyay goolkii Lixaad ee ciyaarta wuxuuna ka dhigay 0-6 ay ku hoggaamineysay Reds, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Joel Matip/
Daqiiqadii 84-aad Mohamed Salah ayaa soo xiray bandhiga goolasha ee kulankan wuxuuna ka dhigay 0-7, Alex Oxlade-Chamberlain ayaana caawiyay goolkan.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-7 ay Liverpool ku soo xasuuqday kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park.