Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa kalsooni ku qabta inay lasoo saxiixan doonto weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak ka dib xilli ciyaareedka, inkastoo uu sii kordhayo tartanka Premier League sida uu sheegay saxafiga Graeme Bailey.
Kooxda Merseyside ka dhisan ayaa Isak u qoondaysay bartilmaameedkooda mudnaanta leh si ay u xoojiyaan safka hore ee Arne Slot xagaagan, waxayna xitaa diyaar u yihiin inay jabiyaan rikoorkooda suuqa kala iibsiga si ay xiddiga Sweden u keenaan Anfield.
Waxa la sheegayaa in ay diyaar u tahay kooxda Liverpool in ay miiska saarto dalab dhan 120 milyan waana mid ka badnaan doona lacagtii ay ka soo bixisay Darwin Nunez.
25 jirkaan weerarka ka ciyaara ayay u badan tahay inuu u yimaado bedelka xiddiga reer Uruguay kaas oo ka Tagaya kooxda xagaaga.
Sida Laga Soo xigtay Bailey Liverpool ayaa doonaysa in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa Iska si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.