Liverpool oo iska xaadirisay wareega siddeeda ee tartanka Champions League kaddib markii ay garaacday RB Leipzig… +SAWIRRO

0
190

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) –Liverpool oo iska xaadirisay wareega siddeeda ee tartanka Champions League kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0 kooxda RB Leipzig kulanka lugta labaad, Reds ayaa ku soo baxday celcelis ahaan labada kulan 4 gool maadaama kulankii kugta hore ay ku soo adkaatay 0-2.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Liverpool iyo RB Leipzig ku kala nasteen barbardac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Mohamed Salah oo caawin ka helay saaxiibkiis Diogo Jota.

74 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Sadio Mane oo caawin ka helay saaxiibkiis Divock Origi ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda RB Leipzig, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Puskas Arena magaalada Budapest ee wadanka Hungary.

SAWIRRO: