Liverpool oo Iska Diiday Weeraryahan Wacdaro Ka Dhigaya Premier League Iyo Darwin Nunez oo Sabab U Ah.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimihii hore ee cilmi baarista Liverpool ee Ian Graham ayaa shaaca ka qaaday in tababarihii hore ee Jurgen Klopp uu ka doorbiday xiddiga reer Uruguay ee Darwin Nunez ciyaaryahanka haatan u ciyaara Newcastle United Alexander Isak.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa ku soo biiray Reds 2022 markaas oo uu kaga soo biiray Benfica, waxaana uu kooxda la joogay seddex sano.

Graham ayaa u sheegay The Financial Times in guusha uu Klopp la gaaray Reds ay siisay inuu maamulo suuqa kala iibsiga.

Agaasimihii hore ee cilmi baarista Liverpool ayaa sheegay in Jurgen uu ka doorbiday Nunez Isak, kaasoo ka mid ahaa seddexda weeraryahan ee ugu sareysa Yurub da’daas.

Graham ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu doortay doorashadan, maadaama isaga iyo asxaabtiisa ay isku dayeen inay ku qanciyaan Klopp inuu sameeyo doorasho kale.

Nunez ayaa ku dhow inuu ka tago Liverpool kuna biiro Napoli suuqa kala iibsiga ee xaggaaga, sida ay sheegayaan wararka hadda jira.