Liverpool Oo Iska Diiday Heshiis Is-weydaarsi Culus Oo Uu Ku Lug Lahaa Federico Chiesa.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa la sheegay inay ka noqotay heshiis is–dhaafsi ciyaaryahan oo ay soo bandhigtay AC Milan kaasoo sababi lahaa bixitaanka Federico Chiesa.

Reds ayaa xagaagan sameysay dhaq–dhaqaaqyo waaweyn oo suuqa ah, iyagoo dhammeystiray saxiixa weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak oo ku kacay £125m.

Ka hor intaan la soo gabagabeyn heshiiska Isak, Liverpool ayaa horey u jebisay rikoodhka xiddiga ugu qaalisan taariikhda Premier League markii ay Florian Wirtz kala soo wareegeen Bayer Leverkusen £105m. Sidoo kale waxa ay horay u dhammeystireen saxiixyada Jeremie Frimpong, Milos Kerkez, Hugo Ekitike iyo Giovanni Leoni.

Inkastoo kharashaadka kooxda uu dhaafay £300m, haddana waxa ay heleen in ka badan £150m iibka ciyaartooyda ay ka mid yihiin Darwin Núñez, Luis Díaz iyo Jarell Quansah.

Wararka ayaa sheegaya in AC Milan ay dalbatay Chiesa, iyadoo xitaa ku dartay soo jeedin ay ku keeni lahaayeen Rafael Leão si uu is–dhaafsi u noqdo, balse Liverpool ayaa si cad u diiday. Kooxda Arne Slot ayaa go’aansatay inaysan lumin Chiesa isla markaana ay xoogga saarto dib u dhiska kooxda.