Liverpool Oo Halis Ugu Jirta In Ay Lumiso 4 Xiddig Kulanka PSG.

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa waayi karta ugu yaraan afar ciyaaryahan kulanka Champions League ee ay habeen dambe la ciyaarayaan Paris Saint-Germain.

Xiddigaha Mudadada badan dhaawaca uga maqan kooxda ee Joe Gomez iyo Tyler Morton ayaa seegi doona kulanka kadib markii ay qaliin mareen waxa qolka daawaynta kula biiray xiddiga Conor Bradley oo dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay kulankii Aston Villa ee bishii hore.

Red Devils ayaa sidoo kale waayi doonta daafaca Amara Nallo sabab la xidhiidha ganaax.

Sidoo kale waxa jira xiddigo halis ugu jira in ay seegaan kulanka lugta 2-aad ee ay la ciyaari doonaan kooxda PSG.

Xiddigaha Konate, Andy Robertson iyo Harvey Elliott ayaa kaliya hal kulan u jira in la ganaaxo hal kulan oo champions League.

Hadii ay kaadhka digniinta ah qaataan kulanka Anfield waxa ay seegi doonaan kulanka Lugta 2-aad ee ka dhici doona Paris.