Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guushii shanaad oo xidhiidh ah kasoo hoysay horyalka Premier League, waxaanay saddex dhibcood ka xoogeen Fulham oo marti ugu ahayd Anfield kulan uu Mohamed Salah go’aamiyey libinta kooxdiisa.
Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa uu nasiiibku la baxsaday dhamaadkii ciyaarta oo ay kubaddu diiday Fulham oo dhawr fursadood oo goolal noqon karayay heshay, waxaana u babbac-dhigay goolhaye Alisson Becker halka ay kuwo kalena goolka dul-mariyeen dhamadkii.
Laakiin Mohamed Salah ayaa kubbad uu dhinaca bidix kala soo galay waxa uu xerada ganaaxa ugu dhiibay Alexander-Arnold oo waxyar dhinaca ka mariyey birta, ka hor intii aanu xiddiga reer Masar cirka ku tooganin kubbad loogu dhiibay meel bannaan oo xerada ganaaxa dhaxdeeda ah.
Darwin Nunez ayaa lugta geliyey kubbad uu Tsimikas dhinaca bidix ka keenay oo halis badnayd, ka hor intii aanu Cody Gakpo oo beddel kusoo galay goolhaye Bernd Leno ula tegin kubbad dhinaca midig ka xigtay goolka oo uu goolhayaha reer Germany lugta ku difaacay.
Alisson Becker ayaa waqtiga ciyaarta oo dhow waxa uu badbaadiyey kubbad uu kasoo shaqeeyey Willian oo uu goolka hor dhigay Vinicius oo lugta bidix ku toogtay, balse Alisson oo kusoo baxay ayaa gacanta midig ka tiigsaday oo koorne u saaray.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay soo gashay kaalinta shanaad oo ay shan dhibcood u jirto Manchester United oo booska kaalinta afraad kaga jirta horyaalka Premier League.