Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Southampton.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Kooxda Southampton kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Anfield.

Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed liita qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay maamulayeen ciyaarta.

Kooxda Liverpool ayaa kaliya ku fiicnayd maamulista ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoonayeen in ay dhaafaan daafaca Southampton.

Daqiiqadii 45+1-aad ayay Southampton dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Will Smallbone kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Qaybtii dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 51-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Darwin Nunez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana daqiiqadii 54-aad rikoodhe u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Salah ayaa mar kale soo laabtay waxana uu gool u badalay rikoodhe daqiiqadii 88-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/1.

waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Southampton 16 dhibcood-na  qabtay premier League.