Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.
Daqiiqadii 20-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Mohamed Salah, kaddib markii uu caawin ka helay Trent Alexander-Arnold.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib la isugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
50 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay laacibka reer Brazil ee Fabinho ayaa wuxuu ciyaarya ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.
Leeds United ayaa dharbaaxo kale la kulantay kaddib markii daafaceeda Pascal Struijk kaarka guduudan loo taagay oo garoonka laga saaray.
Waxaa sidoo kale kulankan Kooxda Reds ka dhaawacmay da’yarkeeda Harvey Elliott oo garoonka sariir looga dhexqaaday.
Kaddib dhaawacaas kulanka ayaa lagu kordhiyey 8-daqiiqo oo waqti daayac ah, waxaana intii daqiiqadahaas lagu guda jiray ay Liverpool la timid goolka saddexaad ee ciyaarta waxaana 0-3 ka dhigay Sadio Mane kaddib caawin uu ka helay Thiago Alcantara.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Liverpool kooxda Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road, Reds ayaa haatan kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka booska 3-aad, waxaana ay min 10 dhibcood la wadaagtaa Man United iyo Chelsea.
SAWIRRO: