Liverpool oo guul ka gaartay RB Leipzig kulanka lugta hore wareega 16-ka ee Champions League

0
245

Qeybta hore ee kulanka kooxaha RB Leipzig iyo Liverpool ayaa lagu kala nastay barbardhac 0- ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqii 53-aad kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 xiddigooda reer Massar ee Mohamed Salah.

58 daqiiqo marka ay dheeshu aheyd Sadio Mane oo caawin ka helay Curtis Jones ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Liverpool, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaaatay 0-2 oo ay Liverpool kaga adkaatay RB Leipzig kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Puskas Arena.

SAWIRRO: