Liverpool oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay PSG Iyo Barcelona OO Garaacday Benfica.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpool ayaa guul Muhiim ah kala Soo laabtay France kadib markii ay ka badiyeen kooxda PSG kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee tartanka champions league.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba doonayeen in ay badiyaan.

PSG ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badana Liverpool.

Liverpool ayaa u muuqatay kuwo ciyaarta u Soo galay in aan natiijo weyn looga Badin oo ay bar-baro kula laabtaan Anfield.

PSG ayaa wax walba u samaysay sidii ay u Badin lahayd goolal ay ciyaarta ku badiyaan.

Laakiin Alisson ayaa laf dhuun gashay ku noqday kooxda PSG isaga oo goolkiisa u Diiday In ay Soo taabtaan.

Kooxda Liverpool ayaa 87-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Elliott kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/0.

Goolkaas ayaa ahaa laadkii ugu horeeyay ee ay Liverpool ku laabto goolka PSG.

Dhinaca kale kooxda Barcelona oo 10 Xiddig ku dhamaysatay ciyaarta ayaa ka badiyay kooxda Benfica.

Barcelona ayaa ku badisay 1/0 gool uu u dhaliyay xiddiga Raphinha.