Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixeedii ugu horeeyay suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong.
Jeremie Frimpong ayaa Liverpool ugu soo biiray heshiis 5 sano ah oo uu ku joogayo kooxda Anfield ilaa xagaaga 2030.
Kooxda Liverpool ayaa bixisay lacagta 35 milyan ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa kooxda Leverkusen.
Liverpool ayaa haatan qorshaynaysa in ay tijaabada caafimaadka marsiiso xiddiga reer Netherlands.
Jeremie Frimpong ayaa noqon doona badalka tooska ah ee Trent kaas oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.