Liverpool oo dejisay qorshaha ay kula saxiixaneyso badalka Sadio Mane

0
240

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixinnada saxaafadda ayaa xaqiijiyay maanta oo Arbaco ah, in Liverpool ay dejisay qorshaha ay kula saxiixaneyso badelka xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane.

Liverpool ayaa doonaysa in ay ku darto weeraryahanka da’ada yar reer Uruguay ee Darwin Nunez kaas oo u ciyaara kooxda Benfica haddii uu Sadio Mane ku adkaysto in uu baxayo.

Shabakada The Athletic ayaa tilmaamtay in Liverpool ay dalab u dirtay kooxda reer Portugal ee Benfica, kaasoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda looga qiimeeyo 100 million euros.

Warka wuxuu intaas ku daray in agaasimaha ciyaaraha ee Reds ee Jolyon Ward, uu ka xaajoonayo in Darwin lagu soo daro safka kooxda maadaama uu sidaas codsanayo tababaraha Jarmalka ee Jurgen Klopp, si uu ugu dhamaystiro weerarka kooxda xilli ciyaareedka soo socda ee Mohamed Salah iyo Luis Diaz, waa haddii Mane uu ka tago safka kooxda.

Darwin Nunez instructed to snub Man Utd transfer and become "world class" at Liverpool - Mirror Online

Nunez qandaraaska uu kula jiro Benfica waxa uu dhacayaa xagaaga 2025, ciyaaryahanka ayaana soo jiitay kooxo badan oo Yurub ah isaga oo wali da’ayar ah, kaddib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa uu ku soo bandhigay kooxdiisa.

Darwin Nunez ayaa ciyaaray 41 kulan xilli ciyaareedkii dhawaan la soo xiray, isagoo dhaliyay 34 gool, oo ay ku jiraan 6 gool oo tartanka Champions League ah.