“Liverpool Dhibcaha Guusha Ayaa La Siinayaa Haddii Taageerayaasha Man United Ay Baajiyaan Kulanka Old Trafford”

0
143

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jurgen Klopp ayaa aaminsan in Liverpool la siiyo seddexda dhibcood haddii kulankooda Premier League ee Manchester United uu u baaqdo mudaharaadka taageerayaasha Red Devils.

Kulan u dhaxeeyay labadaan kooxood bishii May 2021 ayaa u baaqday mudaharaad ay dhigeen taageerayaasha Manchester United oo ay uga soo horjeedeen milkiilayaasha kooxda.

Mudaharaad kale ayaa la qorsheynayaa ka hor kulanka Isniinta, iyadoo laga caqbsi qabo inay dhacdo tii sannadkii hore oo kale.

Advertisements

“Qorshe miyaa inoo degsan haddii kulanka baaqdo? Haa, baskeena ayaan ku laabaneynaa” ayuu yiri Jurgen Klopp.

“Waxaanse rajeynayaa inaysan taasi dhici laakiin haddii ay dhacdo, waxaan qabaa inaan dhibcaha heli doono.

Advertisements

“Wax lug ah kuma lihin xaalada, haddii taageerayaasha ay doonayaa inaysan ciyaarta dhicin, markaas dib uma dhigi karno kulanka si loo ciyaaro waqti mashquul ah.

“Dadku waxay inoo sheegayaan in xaalku fiican yahay oo ciyaarta la dheelayo. Laakiin haddii ciyaarta ay baaqato waa inaan helno dhibcaha sabbatoo ah ma nihin kuwa mudaharaadaya, waana isku soon diyaarinay kulanka.”

Ciyaartii sannadkii hore oo ay tii ugu horeysay ee taariikhda Premier League ee dib loogu dhigo sababo la xiriira mudaharaad taageerayaal ayay aheyd in lagu ciyaaro garoon faaruq ah sababo la xiriira Korona Fayras.

Si kastaba, kumanaan taageerayaasha Man United ah ayaa isagu soo baxay banaanka garoonka saacado ka hor waqtigii ay aheyd in la ciyaaro ka hor inta aysan 200 taageerayaal ah gudaha u gelin garoonka.

Markii la weydiiyay mudaharaadka qorsheysan ee ka dhanka qoyska Glazer, tababaraha United Erik ten Hag ayaa yiri: “Waxaan dhigi karaa milkiilayaasha waxay doonayaan guul – taageerayaasha, waxaan dooneynaa inay garab istaagaan kooxda.

“Waan fahmi karaa mararka qaar laakiin waqti dheer ma joogo kooxda sidaasi darteed xaalada dhan walba kama eegi karo, laakiin waxaan u baahanahay inaan midowdno oo aan si wadajir ah u dagaalano.”

Labada kooxood ayaa raadinaya guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka iyadoo Liverpool ay barbaro gashay labadii kulan ee ugu horeysay halka United laga badiyay labo kulan oo isku xigta.