Lionel Messi Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon D’Or 2024.

0
23

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Salaasadii Messi ayaa dhaliyay seddexleydiisii ​​​​10-aad ee heer caalamiga ah iyadoo Argentina ay 6-0 ku xasuuqday Bolivia isreebreebka Koobka Adduunka.

37-sano jirkaan oo sidoo kale labo caawin u sameeyay saaxiibadiis, ayaa la siman Cristiano Ronaldo saddexleyda ugu badan ee ciyaaraha Ragga.

Isagoo la hadlayay TYC Sports ciyaarta ka dib, Messi oo 8 jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa sheegay in saaxiibkiis Lautaro Martinez uu u qalmo inuu ku guuleysto abaalmarinta sanadkan.

Messi ayaa yiri: “Lautaro wuu ka mudan yahay Ballon D’Or qof walba. Waxa uu soo qaatay sanad cajiib ah, waxa uu dhaliyay gool finalkii [Copa America], waxa uu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya Copa America.”

Waxa la soo saaray Liiska 30-ka xiddig ee u tartamaya abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.