Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa muddo laba saacadood ah lagu xayiray xuduudka waddanka China horraantii toddobaadkan oo uu safar ku tegay dalkaas, waxaana lagu qabsaday baasaboor qaldan oo uu ku safrayay.
Messi ayaa u duulay magaalada Beijin iyadoo ay wehelinayaan ilaaladiisa iyo tiro saaxiibbadiisa ah oo uu ku jiro xiddiga kale ee reer Argentina ee Angel Di Maria, ka hor ciyaarta saaxiibtinimo ee ay Khamiista la ciyaarayaan Australia.
Kabtanka xulka Argentian ee Messi ayaa markii uu tegay caasimadda China, waxa qabsaday masuuliyiinta laamaha socdaalka iyo xuduudaha oo u sheegay in aanay ku faraxsanayn baasaboorka uu ku safrayo Liionel Messi.
Warbaahinta China ayaa sheegay, in Lionel Messi uu isticmaalayay baasaboorkiisa Spain halkii uu kasoo qaadan lahaa baasaboorka dalkiisa Argentina, taas oo keentay in muddo laba saacadood ah la xayro.
35 jirkan ayaa la rumaysan yahay in baasaboorkiisa Spain uu usoo qaatay isaga oo u malaynaya in Taiwan ay tahay qayb ka tirsan China, waxaana la maqlayay isaga oo masuuliyiinta xuduudaha weydiinaya su’aal ahayd: “Taiwan miyaanay China ka mid ahayn?”
Maadaama aanu sidanin baasaboorka Argentina, Lionel Messi ayaa muddo laba saacadood ah meel lagu hayay, waxaana markii dambe la siiyey Visa loogaga dhuftay garoonka diyaaradaha, sidaas ayaanu dalka kaga baxay.