Lionel Messi oo go’aankii la sugayay ka gaaray mustaqbalkiisa kooxda PSG.

0
171

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaddib ku guuleysigiisii Koobka aduunka, weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa go’aankii la sugayay ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxdaas.

Heshiiska uu 35 sano jirkaasi kula joogo Paris ayaa ah mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana ay taasi dhalisay in lala xidhiidhiyo kooxdiisii hore ee Barcelona, horyaalka Maraykanka iyo midka Sucuudiga.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in labada kooxood ee ree Sacuudi ee Al Hilal iyo Al Ittihad ay lacago waali ah mushahar ahaan miiska ugu soo saareen Leo.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in kooxahaasi sanadkii 306 Milyan oo pound mushahar u siinayaan Messi iyadoo sababta ugu weyni tahay inay kula xifaaltamaan Al Nassr oo Cristiano Ronaldo la saxeexatay.

Si kastaba, sida uu sheegayo saxafi Gaston Edul oo wararka Messi aad ugu dhuun-daloolaa, Leo ayaa heshiis cusub oo hal sano oo dheeri ah oo gaadhsiisan ilaa 2024 la gaadhay PSG.

Warkaas ayaa dhirbaaxo ku ah dhammaan kooxaha uu damacu kaga jiray saxeexa Leo. Messi ayaa baaqi kusii ahaan doona Parc des Princes si uu Paris uga caawiyo hammigeeda ku guuleysiga Champions League.