Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa la weydiiyey ciyaartoyga uu siin lahaa abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ee 30ka bishan October lagu bixin doono magaalada Paris ee waddanka France, taas oo ay ugu cadcad yihiin Erling Haaland iyo Lionel Messi.
Labadan ciyaartoy ayaa soo qaatay xilli-ciyaareed wanaagsan oo guulo waaweyn ay gaadheen, waxaase ay abaal-marinta Ballon d’Or ku kala-calaf qaadi doonaan Isniinta toddobaadka dambe.
Haaland ayaa waxa uu Man City u saftay 53 ciyaarood oo uu u dhaliyey 52 gool xilli-ciyaareedkii 2022/23, waxaana uu kula guuleystay saddex koob oo ah Champions League, Premier League iyo FA Cup.
Lionel Messi ayaa isaguna waxa uu xulka qaranka Argentina u qaaday Koobkii Adduunka ee 2022 lagu qabtay waddanka Qatar, sidoo kalena PSG ayuu la qaaday horyaalka Ligue 1 ka hor intii aanu ka tegin ee aanu Maraykanka u wareegin.