Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda West Ham United amaahda ugu ciyaara ee Lingard ayaa la guddoonsiiyay biladda laacibkii ugu bandhigga wanaagsanaa horyaalka Ingiriiska bishii lasoo dhaafay ee April kaddib markii la yimid qaab ciyaareed cajiib ah.
Cristiano Ronaldo oo seegay tababarkii Juventus
Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa shalay ka maqnaa tababarkii kooxdiisa Juve isagoo xaadiray dhacdo ciyaareedda tartanka baabuur-kaxeynta ee Formula 1.
Xulka qaranka Brazil oo soo saaray safka xiddigaha ka ciyaaraya is-reeb-reebka Koobka Adduunka
Macallinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa soo saaray safkiisa ka qayb galaya is-reeb-reebka Koobka Adduunka ee waddama Koonfur Ameerika, waxaana uu dib ugu yeeray daafacyada waaya aragga ah ee Dani Alves iyo Thiago Silva.
Shafka oo dhan:
Goolhaye: Alisson (Liverpool), Ederson (Manchester City), Weverton (Palmeiras)
Daafaca: Dani Alves (São Paulo), Danilo, Alex Sandro (Juventus), Renan Lodi (Atletico Madrid), Éder Militão (Real Madrid), Lucas Veríssimo (Benfica), Marquinhos (Paris Saint-Germain), Thiago Silva (Chelsea)
Khadka dhexe: Casemiro (Real Madrid), Douglas Luiz (Aston Villa), Everton Ribeiro (Flamengo), Fabinho (Liverpool), Fred (Manchester United), Lucas Paquetá (Lyon)
Weerarka: Everton (Benfica), Roberto Firmino (Liverpool), Gabriel Barbosa (Flamengo), Gabriel Jesus (Manchester City), Neymar (Paris Saint-Germain), Richarlison (Everton), Vinicius Junior (Real Madrid)
Toni Kroos oo la karaantiilay
Hardanka Real Madrid ee ku guuleysiga La Liga ayaa caqabad kale wajahaya kaddib markii gaar loo xareeyay xiddigeeda Kroos kaasoo macaamil dhow la sameeya dad la xanuunsan Korona Fayras.
David Luiz oo isaga tagaya Arsenal
Difaaca reer Brazil ayaa marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan ka hadaafaya Emirares kaddib wada xaajood dhex maray isaga iyo kooxdiisa shalay isagoo soo af-jaray labo sano oo uu ka tirsanaa Gunners tan iyo markii uu kasoo tagay Chelsea.