Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa ku celiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago Bayern Munich, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.
Dhinaca kale gooldhaliyaha ugu sarreya kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu xog dheeri ah ka bixin doono halka uu u socdo.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Lewandowski uu ku dhawaaqo inuu doonayo inuu baxo, isagoo dhowr jeer si cad u sheegay inuusan qandaraaska u cusbooneysiin doonin Bayern Munich, waxaana uu doonayaa inuu khibrad cusub oo meel kale ah kahor dhammaadka xirfadiisa shaqo.
Saraakiil dhowr ah oo ka tirsan Bayern Munich ayaa sheegay in aysan jirin wax niyad ah oo ay ku iibinayaan Lewandowski xagaaga soo aadan, inkastoo qandaraaskiisu uu dhacayo hal sano kaddib, taasoo la micno ah inuu heshiis xor ah kaga tagi doono xagaaga 2023.
Lewandowski ayaa sidoo kale cadeeyay in Barcelona ay ka mid tahay dookhyada uu heli karo, laakiin wuxuu diiday inuu bixiyo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan halka uu u socdo. Waxa uu kaliya xaqiijiyay ka tagistiisa Bayern Munich.
Wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Robert Lewandowski, wuxuuna yiri:
“Waxaa iman doona wakhtiga aan bixin doono xog badan, dhawaana waxa aan awoodi doonaa in aan wax badan ka hadlo.”
Mar wax laga weydiiyay wararka la xiriira inuu u dhaqaaqayo kooxda reer Barcelona ee Barcelona ayaa wuxuu yiri:
“Waxay ku xiran tahay dhowr arrimood, waxaan filayaa in xaaladeydu ay caddahay, mana jirto wax micno ah oo aan ka hadlo, way adag tahay inaan u ciyaaro Bayern Munich xilli ciyaareedka soo socda.”